Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa maanta ka digay weerar kasta oo Israa’iil ku qaado dalkiisa, isagoo sheegay in “taasi ay la micno tahay in gaanjada laga furo bam taasi oo qarxin doonta guud ahaan gobolka.”
Qalibaf ayaa hadalkan uga jawaabay hanjabaadaha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsan in la weeraro xarumaha nukliyeerka Iran, sida ay wariysay wakaaladda wararka Mehr u sheegay: “Waxaan u aragnaa hadalladaasi kuwo aan qiimo lahayn oo kaliya loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo geeddi-socodka wadaxaajoodyada dadban ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, umana qaadanno si dhab ah” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, Qalibaf wuxuu intaas ku daray in Tehran aysan wax shaki ah ka qabin in Israa’iil “aysan qaadayn wax halis ah ama doqonnimo ah iyada oo aan oggolaansho ka haysan Mareykanka.”
Wuxuu sidoo kale yiri: “Weerar kasta oo lagu qaado dalkeenna, Iiran, wuxuu la micno yahay in gaanjada laga furo bam kuna qarxi doonta Bariga Dhexe, isla markanaa ka dhigi doonta saldhigyada Mareykanka ee dalalka gobolka bartilmaameed aargoosi oo Iiraan uga yimaada.”
HBN ONLINE TV