Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo gaar ah ka sameeyeen markale deegaanno ay ku sugnaayeen Kooxda Alshabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Howlgaladaan gaar ah oo ay fuliyeen guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa sheegay in ay ka sameyeen aagga deegaanka Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Deegaanka Dhagaxyaale ayaa ah deegaan maalmo ka hor Alshabaab dagaal adag ay kula galeen, iyaga oo tilmaamay in ay burburiyeen godad ay ku sugnaanyeen si aysan uga soo abaabulin weeraro dambe.
Howlgaladaan oo uu hoggaaminyay sida la sheegay taliyaha guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Salaad xujaale ayaa xusay in muhiimada howlgaladaan ay ahaayeen sida uu hadalka u dhigay sifaynta kooxda oo damacsanaa in ay isku uruursadaan aaga deegaanka Dhagaxyaale ee gobolka Galgaduud.
Howlgadaan ayaa ku soo aadaya maalin ka dib markii dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegatay duqeyn iyo dagaalo ay ka fulisay gobolka Galgaudud,kuwaa oo ay tilmaantay in ay ku dishay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV