Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo la sheegay in la beegsaday isku imaatin ay ku lahaayeen agagaarka deegaanka Beera-Yabaal ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaasi lagu soo afjaray tiro badan oo kooxda ah sida ay sheegeen saraakiisha huggaaminaysa.
Taliyaha Ciidamada howlgalka hogaaminaya Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in ay ka dileen 10 xubnood,kuwana nolosha ku haayaan, islamarkaana ay ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen ayna sii wadi doonaan howlgalada adag ilaa inta ay gabi ahaanba ka ciribtirayaan Hiiraan.
Todobaadkii la soo dhaafay waxaa dowladdu howlgalo xooggan ka sameysay Gobolada Hiiraan iyo Jubbada hoose, waxaana y ku qabsatay deegaano istiraatiiji u ahaa kooxda Alshabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay saaxiibada caalamka in ay ka garab siinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, taasi oo keentay in ay ka goostaan dagaalyahanada muhiimka ah ee kooxda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa isaga oo ammaanay askarta dowladda, ciidamada Deegaanka ee Macawisley iyo saaxiibada caalamiga ah ee kooxda ka saaray deegaanno ballaaran iyo deegaanno dhowr iyo toban sano ah ay maamulayeen.
HBN ONLINE TV