Howlgal lagu burburiyey Fariisimo Alshabaab ku lahaayeen Hiiraan

Ciidamada Dowladda Soomaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sheegay in la burburiyey fadhiisimo ay isku uruursanayeen Kooxda Alshabaab oo ku yaala deegaanka garablaawe oo hoostaga degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, uuna si guul ku soo dhamaaday.

Xogtaan oo warbaahinta Soomaaliya ay baahisay ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo aan kala joogsi lahayn ka wadaaan deegaano hoostaga dagmada buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si joogta ah ugu wadaan maalin walba.

“Ciidanka oo kaashanayey dadka deegaanka ayaa howlgal culus ka fuliyey deegaanka garab-laawe halkaas oo ay isku aruursanayeen xubno katirsan Alshabaab, taas oo keentay in ciidanku ay cagta mariyaan goobtii ay ku sugnaayeen”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Horaantii todobaadkan, Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in deegaanka Beera-Yabaal oo hoostaga degmda Buula burde ee gobolka Hiiraan ay ku dileen 10 xubnood oo Alshabaab ka tirsan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed