Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inuu la socdo kulamada ka socda magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyey wadahadalada waxgaradka iyo odayaasha u dhexeeya, taasi oo ay ka soo bexeen awaamiir maleeshiyaadka deegaanka xarumaha dowladda looga saarayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay la socdaan dadaallada iyo gogosha taalada magaalada Beledweyne oo kooxaha habka qabaa’il u abaabulan looga qaadayo isbaarooyinkoodii loo qaaday.
Waxaa uu soo dhaweeyey in gacantooda lagu soo celsho amniga goobaha iyo xarumaha dowladda, gaar ahaan goobaha lagu shaqeeyo.
Waxaa uu sheegay in kulamada ka socda xarunta gobolka Hiiraan ee odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta DFS ay isku af garteen in goobaha amniga magaalada lagu wareejiyo dowadda Federaalka, isaga oo arinkaasi looga hortagayo isbaarooyinka.
Sida oo kale waxaa carrabaabay in maamulka Hirshabeelle uu rajeynayo in saacaha soo socda lagu wareejiyo dowladda Federaalka xeryaha ciidamada ee gobolka, taasi oo uu ka shaqeynayo taliyaha Sirdoonka dalka.
HBN ONLINE TV