Hay’addaha dambi baarista Kenya oo soo bandhigay xogta qof ay ku xiriirinayaan dilkii seddex dumar loogu geystay Nairobi

Waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirka ruux ay ku sheegtay tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii arxaan darrada ahaa ee 22-kii bishan magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo, gabar ay dhashay iyo gabar kale oo yar oo ay habaryar u ahayd.

Bayaan ay waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da maanta soo saartay ayey ku soo bandhigtay sawirka Haashim Daqane Muxumed oo 24 sano jir ah, oo hay’adu sheegtay inuu waday gaarigii loo adeegsaday afduubka iyo dilka hooyada iyo labada gabdhood oo meydadkooda laga soo helay xaafadaha Parklands, Bahati iyo magaalada Machakos, inkastoo wali maxkamad ku caddeyn ninkaasi inuu kug leeyahay falkaasi iyo in kale.

DCI-da ayaa sheegtay in gaari uu watay Haashim Muxumed, islamarkaana kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ay qabatay isaga oo dhibbanayaasha ka qaadaya gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii.

Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in uu eedeysanaha watay gaari noociisa yahay Nissan Note oo ay taarikadiisu tahay KDQ 718Y kaas oo loo adeegsaday afduubka iyo dilka, kaasi oo laga soo helay suuqa Ukulima ama Markiti ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.

Sida oo kale Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku dartay in haatan hal eedeysane uu xiran yahay islamarkaana la sheegay in ay gacan ka gaysan doonto baaritaannada tuhmanayaasha kale ee kiiskan ku lugyeesha.

Waaxda dambi baarista ayaa ka codsatay xubnaha bulshada in ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada eedeysanaha, iyaga oo xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto Haashim Daqane Muxumed oo lagu raadjooga in ay la soo xiriiraan laamaha ammaanka ama saldhigga booliis ee ugu dhow.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed