Booliiska Kenya ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay maxkamdda DCI-da la keenay Hashim Dagane Maxamed oo lagu tuhusan yahay dilka saddex haween ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Nairobi.
Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabatay eedeysanaha ka dib baaritaanno ay sameeyeen isaga oo ku dhuumanayay goob ku taal deegaanka Kamukunji ee Nairobi.
Qoyska dhibanayaasha ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in ninkan ay ku tuhmayaan dilka qoyskooda, ayna rajeynayaa in ay helaan caddaalad.
“Markii gacanta lagu dhigay waa nalala soo xiriiray, qeybta dambi-baarista ayaa la geeyay, wey noo diideen in aan aragno, iyaga ayaa maxkamadda ballamiyay, maxkamadda ayaa la geeyay” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah qoyska dhibanayaasha.
Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Bashiir oo ah aabbaha qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan caddaalad. “Aad ayaan u faraxay, Alle ayaa mahad leh, awal hore waxaan raadineynay sidii lagu heli lahaa taas ayaa murugo nagu haysay, hadii la soo helay, aad baan ugu faraxnay, iyaga ayaan ugu dambeyneynaa wixii dhiman”ayuu yiri.
Sida oo kale Cabdi Maxamed wuxuu uu sheegay in saakay ay tageen maxkamadda, ayna goobooj u ahaayeen sida wax u bilowdeen. Wuxuu kaloo uu sheegay in ay rajeynayaan in ay helaan cadaalad. “Caddaalad ayaa rajeynayaa, curadeydi ayuu dilay, xaaskeygi ayuu dilay iyo gabadhii aan adeerka u ahaa”.
Xariga eedeysanaha ayaa yimid ka dib markii waaxda dambi-baaristsa ay soo saareen codsi ay dadweynaha kaga dalbanayaan in lala wadaago xogta halka uu joogo ninka la tuhunsan yahay in uu ahaa sida hadalka loo dhigay maskaxda dilkii seddexda dumar ah loogu geystay Kenya.
Muuqaallo ay duubtay caamerada CCTV ayaa lagu arkay gaariga Maxamed oo ka qaadaya gabdhaha xaafadda Islii, wax yar ka hor inta aan meydkooda laga helin meelo kala duwan oo magaalada ah.
Gaariga lagu qaaday haweenka ayaa markii dambe laga helay isaga oo yaalla meel cidlo ah oo ku taalla suuqa Wakulima. Gaariga ayaa loo jiiday Xarunta DCI-da, halkaas oo baaris dheeri lagu sameeyay, wallow baaritaanka wax war ah aysan ka soo saarin.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka dalbaday madaxweynaha Kenya William Ruto in dilka haweenka yahay musiibo qaran, uuna dedejiyo go’aan ka gaarista dhammaan kiisaska la xiriira geerida iyo weerarka loo geysto dumarka.
Madaxweyne William Ruto iyo madaxa cadaaladda Martha Koome ayaa ku baaqay in tallaabooyin degdega ah ay qaadaan ciidamada ammaanka, taasi oo la xariirta qaabka wax looga qabanayo tacadiyada soo badanaya ee dadka rayidka ah loo geysto.
Madaxa booliska Kenya Douglas Kanja Kirocho ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in booliska ka go’an tahay sida uu hadalka u yiri “ilaalinta amniga iyo cadaaladda” dhammaan shacabka dalka.
HBN ONLINE TV