Hawlgalkii ATMIS ee Midowga Afrika oo u xiibsatay AUSSOM

Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM ayaa si rasmi ah uga bilowday Soomaaliya maanta, isaga oo beddelay hawlgalkii hore ee ATMIS. Waxaa jira mugdi ku saabsan dalalka ka qeyb galaya, gaar ahaan Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya weli mowqif rasmi ah kama qaadan ka qeybgalka ciidamada Itoobiya ee hawlgalkan cusub, marka laga reebo hadalkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 27-kii bishii December ee sanadkii hore 2024.

Masuuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celceliyay in ciidamada Itoobiya aysan sii joogeyn dalka wixii ka dambeeya 31-ka December, 2024. Si kastaba, ballanqaadkaasi weli si rasmi ah uma hirgelin, taasi oo arrinta ka dhigtay mid aan weli la xallin.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si weyn uga falceliyay una dhaliilay fashilka joogtada ah ee dhismaha ciidan qaran ee Soomaaliyeed oo awood u leh in uu si buuxda ula wareego amniga dalka.

Tan iyo 2007-dii, ciidamada shisheeye ayaa ku sugnaa dalka, iyada oo loo beddelayo magacyo iyo awood muuqaal uun ah oo aan wax ka beddelin xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta,halka dalalka qaar ay u noqotay il dhaqaale ay ka sameeyaan oo joogitaanka ah.

Falcelinta dadweynaha ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal waara oo wax ku ool ah oo lagu dhisayo ciidan qaran oo Soomaaliyeed, iyaga oo ku doodaya in dhalaaqaha ku baxaya haddii si taban looga faa’iideysa lahaa, la gaari karay isbedel muuqda oo dalka iyo dowlad Soomaaliyeed meel ka soo saari lahaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed