Golaha nabadda & amniga Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay dhismaha hawlgal cusub oo beddelaya kan ATMIS oo jiritaankiisu uu ku egyahay dhammaadka sanadkan, sida lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay golahaasi.
Ciidamadan cusub oo lagu magacaabo hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya & xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa hawshiisu bilaaban doontaa bisha Janaayo ee sanadkan soo socda ee 2025.
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in illaa iyo hadda dalalka Masar & Jibuuti ay ku dhawaaqeen in ciidankoodu diyaar u yihiin inay ka qayb noqdaan hawlgalkan cusub ee lagu beddelayo ATMIS.
Hawlgalka ATMIS ee hadda ay soo dhamaatay muddo hawleedkiisa ayaa horay u beddelay AMISOM oo sanadkii 2007-dii la dhisay xilligaas oo ciidankii ugu horreeyey ee Midowga Afrika ka socda ay yimaadeen Soomaaliya.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay warkan maanta soo baxay iyadoo dadka qaar is waydiinayaan xilliga laga maarmayo ciidamada shisheeye isla markaana ay amniga dalka la wareegayaan ciidan Soomaaliyeed, inkastoo dadka qaarkiis ay sheegeen in loo baahan yahay ciidamadan Afrikaanka ah maadaama ay caawinayaan kuwa Soomaaliya.
HBN Online TV

