Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya Axmed Guutaale iyo hanti dhowrka guud ee Sweden Hellen Lindberg ayaa maanta kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan is afgarad cusub, kaasoo ka turjumaya waa cusub oo wadashaqeyneed oo u dhaxeeya xafiisyada hanti dhowrka labada dal.
Heshiiska shanta sano ah oo ay kala saxiixdeen Ahmed Gutaale iyo Hellen Lindberg ayaa qeexaya isfaham labada dhinac ah si loo horumariyo qaab iskaashi oo taageero muhiim ah u fidin doona Soomaaliya. Taageeradani waxay ” diiradda saari doontaa dadaallada lagu dhisayo awoodda si loo xoojiyo awoodaha hanti-dhawrka iyo waxtarka.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Intii lagu guda jiray munaasabadda saxiixa oo ay ka soo qeyb galeen wufuud heer sare ah oo ka kala socotay Somalia & Sweden, ayaa labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo hab-dhaqanka hanti dhowrka iyo horumarinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka.
Heshiisku wuxuu muujinayaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Sweden ee dhanka hanti dhowrka, iyagoo muujinaya muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka. Dhinacyada taageerada muhiimka ah ee heshiiska waxaa ka mid noqon doona wadaaga aqoonta, kaalmada farsamada, barnaamijyada tababarka, iyo isdhaafsiga hababka ugu wanaagsan, iyada oo xoogga la saarayo horumarinta shaqada Hantidhawrka.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee ay Soomaaliya iyo Sweden ugu jiraan horumarinta hab-dhaqanka hanti-dhawrka, xoojinta awoodda hay’adaha, iyo horumarinta waxbarashada labada dhinac iyo horumarinta dhinaca hanti-dhawrka guud.
HBN NEWS DESK