Guddoomiyaha Luuq oo diiday amar ka soo baxay Duqa gobolka Gedo

Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo Daahir Muxumad Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo dhaweeyey dib u doorashada madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, isaga oo teeray xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii gobolka.

Waxaa uu sheegay in banaanbax lagu taageeri doono doorashada iyo soo dhaweynta madaxweynaha Jubbaland uu qaban doono maalinta Berri ah.

Sida oo kale guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir ayuu ku eedeeyey sida qabo in uusan wax shaqa ah ka qaban 7-da degmo ee gobolka, isaga oo tilmaamay in uusan u aqoonsaneyn Barasaabka goblka.

“Gobolka Gedo adiga dhibaato ha u horseedin, hal xabo kama bedeli kartid Gobolka Gedo, warqada adiga aad qortane meel ay ka soconeyso ma jirto. Is cadeeya iyo darajada aad sheeganeyso aniga ma garanayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Luuq Daahir Maxamuud.

Guddoomaha Luuq ayaa uga digay dowlada Federalka Soomaaliya sida hadalka u dhigay iska horkeenida dadka reer Jubbaland, halka wixii ka dhaca gobolkane ay qaadi doonto dowladdu.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed