Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo yeeshay kulan xasaasi ah

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ka gaareen dagaalka lagula jiro Al Shabaab, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey,  howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed