Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Khamiista oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre ayaa Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur waxa uu ka soo jeediyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan diyaarinta Ciidanka Qaranka ee doonaya in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga, waxa uuna faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay ATMIS iyo Wasaaraadda Gaashaandhigga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa khudbadiisa ku xusay guulaha la taaban karo ee laga gaaray kor u qaadista tayada shaqo ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira diyaarinta ciidamada, sida tababarrada, qeybsiga kheyraadka, iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed, taasoo la doonayo in si habsami leh ay ula wareegaan waajibaadka amniga ee ciidamada Faderaalka.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay gaareen heerar muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo mas’uuliyadda amniga” ayuu yiri Wasiir Nuur. “Ciidankeenu waxay diyaar u yihiin inay sugaan amniga iyo xasiloonida qarankeena, anagoo u gudbayna marxaladii ATMIS-ka kadib ayuu sii raaciyay.
Wasiir Nuur waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah inta lagu jiro xilliga kala guurka. Wuxuu qiray doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay ka ciyaaraan xasilinta Soomaaliya iyo xoojinta ciidamada XDS.
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka dadaalka iyo horumarka ay sameeyeen. Waxa uu ku celceliyay sida ay xukuumada uga go’an tahay in la garab istaago ciidanka XDS iyo sidii looga gudbi lahaa guulo isdaba joog ah.
Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday arimo badan oo la xariira amniga, kobaca dhaqaalaha iyo xasiloonida bulshada. Wasiirradu waxay isla garteen in si dhab ah loo wajaho horumarka qaranka, iyadoo amnigana uu yahay tiir aasaasi ah.
Iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso dhimista ciidamada ATMIS-ka, dowladdu waxay xoogga saaraysaa sidii loo dhisi lahaa hay’ad xooggan oo amniga sugo.
HBN NEWS DESK