Golaha wakiilada Somaliland oo baafinaya xildhibaanno la la’yahay

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa baafinaya ku dhawaad toban xildhibaan oo la la’yahay, sida warqad lala wadaagay warbaahinta lagu sheegay in la waysan yahay mudanayaashaan oo aan ka soo qayb galin kulanka maanta ay lahaayeen Golohu.

Warqada ka soo baxday maanta Golaha wakiilada Somaliland oo lala wadaagay warbaahinta ayaa looga dalbaday in ay baafiyaan 7 xildhibaan oo la tilmaamay in aysan soo xaadirin Kalfadhiga 9-aad kulankiisa 3-aad, lamana sheegin sababaha ay ku maqanyihiin iyo halka ay ku suganyihiin.

“Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa in aad baafisaaan Xildhibaanadaan ka maqnaaday Kalfadhiga 9-aad fadhigiisii 3-aad ee ku taariikhaysan 24/08/2024” ayaa lagu yiri warqadda

Xildhibaannada la baafiyey ayaa lagu kala magacaabaa:

Xildh. Axmed Yaasiin Maxamed Xasan
Xildh. Bashiir Xuseen Xersi
Xildh. Cabdullaahi Muuse Cabdi
Xildh. Jimcaale Axmed Cilmi
Xildh. Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac
Xildh. Maxamed Xuseen Maydhane Obsiye
Xildh. Saleebaan Diiriye Barre

Todobaadkii hore ayaa Golaha wakiilada sidaan oo kale waxaa ay baafiyeen mudanayaashii ugu badnaa ee fadhiyada kulankaa ka maqnaa, lama oga sababta u gaarka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed