Kulan xasaasi oo maanta ay isugu yimaadeen mudanayaasha Aqalka Sare oo ay guddoomiyeen Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta isugu yimaadeen kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo soojeedinta la xiriirta arrimaha shaqada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare ayaa ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS, Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faah faahiyay muhiimiyadda sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.
Intaas kadib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa u gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sanatarradda kala ah Cabdi Xasan Qaybdiid iyo Senator Iftin Xasan Baasto ayaa eedo kulul kala dul dhacay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada, iyaga oo ku dhaliilay in shaqada isla ekeysiiyaan iyo shacabka uu xukumayeyna uu caqabad ku noqdo sida hadalka ay u dhigeen.
HBN ONLINE TV