Golaha Ammaanka QM oo fadhi deg deg ah ka yeelanaya weerarkii duqeynta ay Israa’iil ku qaaday Iiraan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah yeelan doona gelinka dambe ee maanta waqtiga New York, kadib dalab kaga yimid Iiraan oo la xiriira duqaymaha cirka ee Israa’iil ay ku qaaday goobo ku yaal dalka Iiran.

Safiirka Switzerland oo ah guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ayaa ku dhawaaqday fadhigan Golahu yeelan doono, iyadoo xustay in codsiga Iiran ay taageereen dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Aljeeriya oo ah wakiilka Carabta ee golaha.

Tani waxay ku soo aadaysaa iyadoo Madaxweynaha Iiran Massoud Bezeshkian uu wacad ku maray in dalkiisu sida ugu haboon uga jawaabi doonaan duqeymaha Israel.

Horaantii Axada, Iran ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu qabto kulan degdeg ah oo lagu cambaareynayo weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha golaha ammaanka “wuxuu ugu baaqayaa kulan deg deg ah oo Golaha Ammaanka uu ka qaato go’aan adag oo lagu cambaareynayo gardarradan,” isaga oo tixraacaya weerarrada Israa’iil, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradiisa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay “si adag oo xooggan” u waxyeeleeyeen sida hadalka uu u dhigay awoodda difaaca ee Iran iyo awoodda wax soo saarka gantaallada, halka hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan Ali Khamenei uu sheegay in Tehran ay ka fikirayso ka jawaabista weerarkii Sabtidii.

Khamenei waxa uu sheegay in Israa’iil xisaab qaldan isku dhufsatay, isla markaana aan la dhayalsan karin ama aan la buunbuunin weerarkii ay ku soo qaaday Iiran ee ay ku dhinteen 4-askari oo ka mid ah ciidanka Iiraan.

Netanyahu ayaa intaa ku daray in weerarka lagu qaaday Iiran uu ahaa mid “sax ah oo xooggan”, lagana gaaray dhammaan hadafyadii laga lahaa, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Labada dal ayaa muddo bilo ah is waydaarsanayay weeraro is daba joog ah, iyadoo weerarkii Sabtidii uu jawaab u ahaa gantaalo ay Iiran ku duqeysay Israaiil horaantii bishan October, weerarkaasi oo Iiraan ay sheegtay in ay waxyeelo wayn ku gaarsiisay goobaha military-ga iyo kuwa xasaasiga ah ee Israa’iil.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed