Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay hawlgalka ATMIS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in howlgalka Midowga Afrika waqtiga loo kordhiyo lana gaarsiiyo ilaa dhammaadka sanadkan, iyadoo sidoo kale ku baaqay in la qorsheeyo howlgalka beddelka, taasoo ah tallaabo muhiim u ah in dalka uu la wareego ammaankiisa.

Qaraarka ay garwadeenka ka ahayd UK ayaa u fasaxaya Midowga Afrika in hawlgalka ATMIS oo ka kooban 12,626 askari oo heegaan ah, oo ay ku jiraan 1,040 booliis, si ay u sii wadaan howlgalka ku meelgaarka ah ee loo yaqaan ATMIS ilaa 31ka Diseembar.

Ku xigeenka safiirka Britain James Kariuki ayaa golaha u sheegay codeynta ka dib in “xalku uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo lagu jiro kala guurka ammaanka ee Soomaaliya.”
ATMIS howlkeeda, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray samaynta ergada bedeli doonta, ayuu yidhi.

Golaha Ammaanku waxa uu soo dhaweeyey war-murtiyeed 1-dii Agoosto ka soo baxay golaha Midowga Afrika soo jeedintiisa ku aaddan hawlgal taageero nabadeed oo AU-gu hoggaaminayo oo beddela ATMIS.

Qaraarkan ayaa ka codsanaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madaxa guddiga Midowga Afrika, iyagoo la tashanaya Soomaaliya iyo dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah, inay warbixin ka siiyaan golaha ammaanka naqshadda hawlgalka beddelka bisha November 15-keeda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed