War ka soo baxay Taliska ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay saaacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen gudaha Caasimadda.
Inta howlgalladan socdeen ayaa waxaa lala beegsanayay kooxaha dilka iyo falalka amni darro ka sameeya gobolka Banaadir, sida ay taliska ciidamada booliska warbixintooda u dhigneyd.
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay dad gaaraya 10 ruux oo ku eedeysan dil iyo dhac.
“Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood. kuwaas oo geestay falal iskujira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliiska.
Ugu dambeyn, taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa carrabaabay in ay socoto baaris, isla markaasna dadka la soo qabtay la geyn doono maxkamad si ay Cadaaalad u maraan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore dad eedeysanayaal ah u soo qabtay dil, dhac iyo waxyaabaha maanka dooriya oo si adag u sheegeen in talaabo looga qaadayo ciddii lagu hela iyada oo faraha kula jirta.
HBN ONLINE TV