Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb loogu doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo xubin buuxda ka noqonaya, ka dib markii Sahra Colaad Cabdi ay iska casishay kursigan.
Gen. Goobe oo ah Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud, waxaana si rasmi doorasho kaga dhacday galgaduud uu ku helay Kursiga HOP18 oo in muddo ah ka maqnaa matalaadiisu baarlamaanka Soomaaliya.
Sahra Colaad Cabdi oo horay kursigan ugu fadhiisay kuna guuleysatay doorasho ka dhacday magaalada Gaalkacyo 15-kii March 2022 ayaa xilkaas iska casishay waxayna dadka leh ugu dambeyntii go’aansadeen in la qabto doorashada si aysan u lumin matalaadda ay ku leeyihiin Aqalka hoose.
Waxaa banaan kuraas dhowr ah oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Baarlamaanka uu tilmaamay in la soo dhameystiri doono iyada oo lagala tashanayo beelaha iyo dowlad goboleedyada ay u yaalaan kuraasta banaan.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee geeriyooday, kuwo aan xilal wasiirnimo soo qabtay iyo kuwo kale oo gabi ahaanba siyaasadda ka baxay oo kuraastooda iska casilay ayaa bannaan, waxaana la filayaa in sidii loogu talo galay loo soo buuxin doono.
HBN ONLINE TV