Warsaxafaadeedka ayaa waxaa lagu sheegay waa sida hadalka loo dhigaye’e in dad qowleysato ah oo ku caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah oo ujeedkoodu ahaa u adeegidda argagixisada iyo iska horkeenidda shacabka ay ka dambeeyeen hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya.
Waxaa kale oo ay sheegtay in Hay’adaha Ammaanka ay ku daba joogaan kuwaa falkaasi ka dambeyey, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo.
Maamulka Galmudug oo sheegay in ay ku guda jirto sidi caddaaladda loo hor keeni lahaa dadkaasi oo ay ku tilmaantay dhagar qabayaal, iyada oo ka dalbatay hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee Dowladda Federaalka ah in ay arrinkaas gacan ka gaysataan.
Galmudug ayaa tacsi u dirta ehellada dadkii ku dhintay dhacdadii shalay ka dhcday Caabudwaaq, waxeyna ugu shacabka Galmudug ugu baaqeen in ay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan.
HBN ONLINE TV