Magaalaada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa maanta laga soo dajiyag gaadiid dagaal oo aad u badan, kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Imaraadka Carabta, Gawaaridaan ayaa qeyb ka noqon doono in dowladda Soomaaliya ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto Ururka Al-shabaab.
Warar aan helnayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay Saldhig Milatari ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso Xilli dhawaan uu soo laabtay Xiriirka Labada dal, dowladda hadda jirto tii ka horeysay iyo Imaaraadka ayaa Xiriirku xumaaaday, balse Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu yimid ayaa dib loo hagaajiyay xiriirka.
HBN News Desk