Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu taageeri doono hadafka Itoobiya ee ah gaarista marinka Badda Cas, isaga oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa.
Waxaa uu sheegay inay iska kaashan doonan sida uu hadalka u dhigay taageeradda dib u habeynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria ee nabadeynta ee colaadaha dalkaasi.
Macron ayaa soo bandhigay in sharci ah Itoobiya ay ku gaarto Badda-Cas xilli uu warbaahinta uu kula hadlay magaalada Addis Ababa, isaga oo sida oo kalena soo dhoweeyey is-afgaradkii Ankara ee Soomaaliya & Itoobiya.
“Itoobiya in ay Badda gaadho waa sharci, waxaana aan fududaynaynaa sidii ay u heli lahayd.” ayuu yiri Macron.
Sida oo kale, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uu Macron kala hadlay baahida ay Itoobiya u qabto marinka Badda-Cas, wuxuuna ku andacoonayaa in Macron uu aqbalay in uu taageero dadaalkiisa uu wado ee gaarista Itoobiya ee marinka Badda-Cas.
Dowladda Faransiiska ayaa Itoobiya ka caawisa dhisidda ciidamada Badda iyo taakuleyntooda, iyada oo siisay maraakiib iyo qalabka muhiimka ah ee Ciidamada biyaha quusa.
Faransiiska oo ku soo hungoobay wadama badan oo uu gumeysa jiray galbeedka Afrika ayaa tani muujineysaa diga rogashadiisa bisadda qoyday la moodo ee geeska, isaga oo durba u soo dhaqdhaqaaqay.
Marinka Badda-Cas ayaa hadda noqday aag isha caalamku uu hayo tan iyo soo if bixii dagaal Israa’iil iyo Xamaas, ka dib markii wadanka Yemen uu sawaariiq liishaankooda suluxa yahay u dhiibay caasimadda Tel-aviv. Waxaa intaasi dheer in aagga marinka uu caaganeysiiyey Maraakiibta reer galbeedka oo uu ku eedeyey in sahay Israa’iil loo wado ay ka gudbiyeen.
Dadka qalanqeeya siyaasadda gobolka ayaa qaba in sababta Itoobiya u dooneyso weliba si indho la’aan ah biyaha Soomaaliya ay tahay mid ka dheer ganacsi oo ay ku hoos duugan yihiin, u jeedooyin aan mahdin doonin oo Addis Ababa ugu kaalmayneyso reer galbeed iyo Sahnuuniyiinta.
HBN ONLINE TV