Faransiiska oo bilaabay in ciidamadiisa uu kala baxo dalka Chad

Ku dhawaad 100 askari oo Faransiis ah ayaa si rasmi ah uga baxay saldhigga militari ee Abeche (ABAJE) ee dalka Chad (JAAD) taasoo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Chad iyo Faransiiska.

Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Chad ayaa war rasmi ah ku xaqiijiyay bixitaanka, isagoo xusay in xaflad wareejin ah lagu qabtay goobta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga. Tani waxay qeyb ka tahay heshiis ballaaran oo Faransiiska looga dalbaday inuu dhammaan ciidamada milatari ee Chad ka saaro ka hor Janaayo 31, 2025, iyadoo marxaladda ugu dambeysa ay tahay bixitaanka ciidamada ka jooga saldhigga Sergeant Adji Kossei ee caasimadda N’Djamena.

Go’aanka lagu joojinayo xiriirka milatari waxaa si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Chad 28-kii November 2024, taasoo Faransiiska siisay lix toddobaad in uu kala baxo ciidamadiisa ka kooban 1,000-ka askari iyo qalabkooda. Dowladda Chad ayaa sidoo kale burisay heshiisyadii iskaashi ee milatari ee ay la galeen Faransiiska sanadkii 1978 iyo kuwii ka dambeeyay ee sanadkii 2019.

Madaxweyne Mahamat Idriss Déby ayaa heshiisyadan ku tilmaamay “kuwa duugoobay” isla markaana aan lahayn “wax qiime dheeraad ah,” taasoo dhalisay bixitaanka degdegga ah ee ciidamada Faransiiska. Tani waxay soo afjartay joogitaanka milatari ee Faransiiska ee Chad, oo ahayd dalkii ugu dambeeyay ee Faransiiska ka joogay gobolka Saaxil ee Afrika, kadib markii uu horey uga baxay Mali, Burkina Faso, iyo Niger.

Hoos u dhaca saameynta militari ee Faransiiska ee Afrika ayaa ka tarjumaysa isbeddel guud oo gobolka ka socda. Dhammaadkii December, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa ku dhawaaqay in dhammaan ciidamada shisheeye ay dalka ka bixi doonaan laga bilaabo 2025. Sidoo kale, Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara  ayaa Janaayo 1-deedii ku dhawaaqay in ciidamada Faransiiska ay dalka ka bixi doonaan dabayaaqada bishan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed