Fahad Yaasiin oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ku aadan isbahaysigii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay madaxaweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo

La taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya horeyna u soo noqday madaxii hore ee NISA Fahad Yaasin ayaa ku dhawaaqay, war cusub oo ku aadan isbahaysigii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Fahad ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu sheegay in isbaheysigii muddada 10-ka sano ee kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu laga bilaabo maanta, oo ay taarikhdu ku beegan tahay 1-da Sebteembar 2024, soo idlaaday isla markaana uu maanta ku egyahay wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee uu la lahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa uu si cad u sheegay una caddeeyey dadka soomaliyeed in uusan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho ee madaxweyne Farmaajo.
Qaar ka mid ah taageerayaashii Nabad & Nolol ayaa arintan aad uga falceliyay waxaana ayna sheegeen in ay arintani saameyn ku yeelan doonto, saameytoodii siyaasadeed maadaama ay xulufo firfircoon oo dhanka siyaasadda ah ahaayeen muddo dheer.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed