Taliska Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay burburinta fariisimo Alshabaab ku lahaayeen deegaano istiraatiiji ah gobolka Shabeellaha Hoose 

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal ay Ciidanka Danab ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu burburiyay fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in toddobaadkan howlgallo kala duwan lagu dilay ku dhawaad 200 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.

Ciidanka gaarka ah ee Danab, ayaa hawlgal qorsheysan oo burburin ah ka fuliyay deegaannada Tooratoorow, Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo hawlgallo lagu bartilmaameedsaday baro iyo goobo ay ku ku sugnaayeen xubno Alshabaab ah, ayna burburiyeen xarumo iyo gabaadyo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay sida la tilmaamay isku abaabul iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la wiiqo awoodda kooxda, lana baabi’iyo saldhigyada ay kaga sugan yihiin deegaannada hawlgalku ka dhacay.

Toddobaadkan, isla Ciidamada Danab ayaa dowladda sheegtay in howlgal ka dhacay degmada Sablaale ku dilay 7 xubnood, oo uu ku jiray horjooge door ku lahaa, sida la tilmaamay, abaabulka maleeshiyaadka. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la burburiyay 2 xarumood oo Alshabaab u adeegsan jirtay, sida hadalka loo dhigay, tababarka maleeshiyaadka iyo faafinta waxa ay ku sheegtay “fikradaha xagjirka ah”.

Maalmo ka hor isla toddobaadkan, howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in la dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo kooxda Alshabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka cusub iyo uruurinta waxa dowladda ugu yeerto “baadda xoogga ah”, oo loola jeedo lacagaha ay kooxdu ka qaaddo shacabka.

Sidoo kale, 14-kii bishan, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan lagu dilay 42 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, saacado kaddib markii ay si buuxda gacanta ugu dhigtay deegaanka Waabweyn, oo ku yaalla waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Isla toddobaadkan, Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan lagu dilay 19 xubnood iyo horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa, sida la tilmaamay, abaabulka maleeshiyaad, kaydinta hubka iyo qorsheynta falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 25-kii maalmood ee ugu dambeeyay ay kordhisay howlgalada iyo duqeymaha lagu beegsanayo Al-Shabaab. Sida ay sheegtay, howlgalada laga fuliyay gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan,  waxaa dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay in ka badan 120 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, iyadoo tiradaasi ay sii kordhinayso khasaaraha ay dowladda sheegtay inuu soo gaaray Al-Shabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed