Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal toos ah oo CXD iyo Alshabaab ku dhexmaray Shabellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Laba garas oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kaashanaya kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisimo Alshaabab ku leedahay deegaanka Laba garas, waxaana la soo werinayey in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga ilaa hada khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka laga helaayo sidoo kale ay tibaaxayaan in dagaalka uu barbar socdo duqeymo culus oo laga maqlaayo meelo ka fogfog halka uu dagaalka ka socdo, taasoo lagu garaacayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana xusid mudan in gulufkaasi kooxda lagu gaarsiiyay jab aad u xoogan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed