Faahfaahinno ka soo baxaya Weerarkii labaad ee laba todobaad gudahood ay qaadaan Burcad badeed Soomaali ah

Hawlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR ATALANTA ee la dagaallanka burcad Badeeda biyaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 17kii Bishan lagu soo wargeliyey weerar looga shakisan yahay inay burcad badeed ku qaadeen doon laga leeyahay Yemen.

Doontan ayuu hawlgalku sheegay in lagu magacaabo Garmaal, ayna maraysay markii la weerarayey meel aan ka fogeyn biyaha ku aaddan degmada Eyl ee maamul goboleedka Puntland. Hadal qoraal ah oo ay soo saareen hawlgalka ATALANTA ee Midowga Yurub ayey ku sheegeen in xogta soo gaartay ay baarayaan.

Waxay intaa ku dareen “EUNAVFOR ATALANTA waxay isha ku hayaan arrinta, waxayna si isku xiran u wada shaqaynayaan ciidanka badda ee wadajirka ah (CMF) iyo ilaalada xeebaha ee Yemen. Intaa waxaa dheer, in la sameeyey xiriir joogto ah oo dhex mara booliska badda ee Puntland (PMPF), oo ka mid ah booliska Soomaaliya ee muhiimka u ah la dagaallanka burcad badeedda”.

Arrintan ayaa timid 10 maalmood ka dib markii doon kalluumaysi oo ku safraysay calanka Yemen, laguna magacaabo Al Najma ay la kulantay weerar burcad badeed 8-dii bishaan Febraayo, taasoo la soo furtay isla 13-kii.

Hawlgalka ATALANTA ayaa u diray ciidan badeed iyo kuwo cir aggaas oo ku aaddanaa Eyl, kuwaasoo baaritaan ka sameeyey aagga markii weerarka la soo sheegay, ka dibna helay halka doonta lagu haysto. Doonta ayey sheegeen saraakiisha hawlgalka in la sii daayey markii ay u soo dhawaatay xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ATALANTA ayaa sii deyntan la xiriiriyey sida degdegta ah ee ay ciidankooda ku gaareen halkaas, gaar ahaan helikobtar dusha ka taageeraysay ciidanka, taasoo qayb weyn ka cayaartay sii deynta doonta. Waxay intaa ku dareen inay ciidankoodu doonta fuuleen, ka dibna ay qiimeeyeen xaaladda doonta iyo shaqaalaha saarnaa oo 12 qof ahaa, xaaladoodana ay fiicnayd.

“Kooxda ka socotay ATALANTA ee doonta fuushay ayaa soo uruuriyey waxyaabo caddaymo u noqon kara weerarka, kaasoo weli baaritaan uu ku socdo. Intaa waxaa dheer in doontan kalluumaysiga ay caawiyeen, ka dib markii cillad dhanka matoorka ah ay la soo deristay, waxayna kooxdaas xaqiijiyeen in burcad badeeddii la sheegayey ay doonta iskaga tageen, ayagoo hore u sii xaday alaab shaqsi ahaaneed iyo laba saxiimadood oo doontu lahayd” ayaa lagu sheegay qoraalka hawlgalka midowga Yurub ee la dagaallanka burcad badeedda, kaas oo ah howlgalka soo billowday dabayaaqadii 2008.

Falalkan burcadda ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya. Intii u dhaxaysay 2005-tii iyo 2012, burcad badeeda Geeska Afrika waxay k sameeyeen afduubka inta u dhaxaysa $339m ilaa $413m.

Dhacdooyinka falalka burcad-badeednimada ayaa aad hoos ugu dhacay sanooyinkii u dambeeyay, balse waxaa labadii sano u dambeeysay xeebaha Somaaliya ka dhacay dhawr weerar oo ay burcad badeeddu fuliyeen.

Arrintan ayaa waxa ay sababtay walaaca ay qabaan khubarada dhanka ammaanka badda oo sheegay in laga yaabo in mar kale ay xoog u soo ifbaxaan burcad baddeeda weerarada ka geysta xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed