Tiro Hoobiyaal ayaa la sheegay in siyaabo kala duwan ugu dhaceen xaafado ku yaal Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa lagu soo waramayaa in ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Inta la xaqiijiyay mid ka mid ah madfaca ku soo dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 caruur ah halka uu bur buriyay guri sida ay sheegeen dad goib jooga yaal ah, mana bixin faah faahin intaas dheer.
Madaafiicda ayaa ku dhacay sida la sheegay agagaarka xafiiska maamulka Koonfur Galbeed, afaafka hore ee isbitaalka Baydhabo iyo goobo kale. Ilaa hadda ma aysan ka hadlin Laamaha Amniga ee maamulkaas, soomana saarin warbixin dhameystiran.
Magaalada Baydhabo ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhacaan weerarada loo adeegsado banbaanooyinka laga tuuro gacmo, iyada oo dhowr jeer horay loogu weeraray masu’suuliyiin la tirsan maamulkaas & saraakiil ciidan.
HBN NEWS DESK