13 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray laba Qarax oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaa oo la sheegay ahaayeen miinooyin goobta lagu aasay.
Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyey qaraxada ayaa sheegay in ay ku dhinteen 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan.
dhanka kale ilaa hadda wax war ah kama soo bixin laamaha Amniga ee Dowladda Soomaliya. Goobta qaraxyada ka dheceen ayaa caan ku aheyd in dhalinarada magaalada Muqdisho ay isku sawiraan.
Muuqaalo ay qabateen Kaamirootin wax qarsoon ayaa muujinaya dad badan oo daadsan goobta qaraxyadu ka dheceen.
Maamulka degmada Kaxda ayaa ku eedeeyey in qaraxyada ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab, inkasta aysan sheegaan masuuliyadda rasmiga ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV