Warar dheeraad ah oo is khilaafsan ayaa ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Buurgaabo & Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac ah, waxaana soo baxaya warar sheegaya in gawaari la gubay iyo fariisimo la kala qabsaday.
Inkasta oo khasaaraha dhinacyada soo kala gaaray aan la ogaan karin sababo xiriirka Khadka is gaarsiinta oo adag, hadane waxaa labada dhinac ay isku eedeeyeen in uu mid mid walba uu qaadi masuuliyaddiisa dagaalka.
Warka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Subaxnimadii hore ee saaka ay koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay sida hadalka loo dhigay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta Jubaland ay Ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose.
“Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay Kala wareegaan Saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidanka ATMIS sidoo kalana isu diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Alshabaab” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Dowladda Federaalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in si gaar ah ula socoto Qorshe uu Madaxweyne Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay sida hadalka loo dhigay Alshabaab, taas oo keentay in kooxda ay u ogolaato in ciidamo uu soo abaabulay ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka, ka dibna ay duullaan ku soo qaadaan Ciidamada Qaranka.
Geesta kale, War ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay deegaanka Raaskambooni ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulkaasi.
Wasiir ku xigeenka Amniga Jubaland Aaden Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa nasiib darro wayn ku tilmaamay weerarka saaka oo dowladda Soomaaliya uu ku eedeyey in dagaalka ay ku soo qaaday ciidamadooda, isaga oo tilmaamay in ay ku soo wareertay sida uu hadalka u dhigay diyaarado.
“Waxaa nasiib darro wayn ah in hubkii iyo gaadiidkii loogu tala galay in dalka lagu difaaco in maanta dadka loo adeegsanayo, drone-ka maanta naloo adeegsaday dawladaha iska leh waan soo bandhigaynaa” ayuu yiri wasiir Aaden.
Isha ku haay HBN ONLINE TV