Wararkii u dambeeyay iska horimaadkii ka dhacay Xabsiga Dhexe

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay 21 kale dagaal saacado badan qaatay oo saaka ka dhex dhacay xabsiga dhexe ee Xamar oo ku yaala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Dadka dhinta waxaa ka mida nimanka dagaalamay oo 5 ah iyo shan kale qof oo maxaabiis ahaa iyo Seddex askari oo kale, halka ay 18 maxaabiis ah ay dhaawacyihiin iyo 3 Askari., sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Taliska Asluubta ayaa soo bandhigay meydadka ragga weerarka bilaabay, kuwaa oo ay ku sheegeen in ay isku dayeen in ay qal-qal geliyaan amniga Xabsiga, waxaana la intaa lagu daray in markii horaba ay ragaasi ahaayeen Alshabaab ku xukuman dil toogasho ah.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in uu soo saari doono faahfaahin dhameystiran oo ku aadan sida ragaasi ay ku heleen hubka ay isku dayeen in ay ku dagaalamaan, qasaaraha soo saaray maxaabiista kale iyo ilaalada xabsiga.

Weerarkan mid la mida ayaa hore uga dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho sanadkii 2022-kii, ka dib markii maxaabiista iyo ciidamada ilaaladu ay dagalameen, taas oo dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux oo isugu jiray ciidanka iyo maxaabiistii ku xirnayd xabsiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed