Ergay Cusub oo Dhawaan Loo Magacaabay Soomaaliya oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxana soo dhaweeyay Mausuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Haweyneydaan lagu magacaabo Catriona Laing oo ah Ergayga Cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay oo goordhaw la magacabay soo gaartay maanta Muqdisho, waana markii ugu horreysay oo ay timaado taniyo markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu magacaabay May 4, 2023-ka ee sannadkaan, waxayna noqoneysaa hadda adaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Catriona Laing oo ah diblumaasiyad sare ayaa xilkaan kala wareegeysa Ergeygii hore ee Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo muddo ka shaqeenayay Soomaaliya.

Egeyga Cusub ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah u leh diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, iyada oo horay u soo qabtay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed