Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in gabi ahaan joojiyo diyaaradihii maanta aadi lahaa magaalooyinka Kismaayo iyo Doolow ee Jubbaland, ka dib markii shalay Kismaayo sida hadalka loo dhigay laga afduubtay diyaaraddii shirkadda Halla Airlines oo rakaab kale loogu qaaday Doolow.
Ilo ku dhow DFS ayaa inoo sheegay in aanay jirin maanta duulimaad ilaa amar dambe aadi doona ama ka degi kara labadaas magaalo oo mid madaxweyne Axmed Madoobe heysto.
Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheynayso suurtagalnimada in Ciidamada Qaranka ay maanta ka dejiso degmada Doolow oo ay saarto magaalada Ciidamada Itoobiya oo dagaal shalay ay geysteen ku dilay sida ay tilmaantay dowladda dhexe Ciidamada Qaranka.
Waxaa la soo warinayaa inTaliyiha NISA ee degmada Doolow Korneyl Shiiqaalow iyo ciidan uu hoggaaminayo ay weli ka dhex dagaalamayaan Doolow, halkaas oo la carrababaay inay ka xoreynayaan Itoobiya oo ku habsaday iyo ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe.
HBN ONLINE TV