Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Qatar ayaa xaqiijiyay in ay taageerayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxbannaanida dhuleed, iyo midnimada waxayna ku celiyeen baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka iyada oo loo marayo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu Turkigu wado.
Wakiillo ka socday dowladahan oo ku kulmay Maraykanka waxay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro sidii wax looga qaban lahaa khataraha joogtada ah iyo kuwa soo ifbaxaya ee kooxaha argagixisada ah ee Geeska Afrika.
Wakiilladan waxay taageero u muujiyeen dadaallada Dowladda Soomaaliya ee lagu abuurayo ciidamo tayo leh, xirfad leh, oo lagala xisaabtami karo amniga iyo difaaca.
Dowladahaan ayaa waxay ku heshiiyeen in ay qaadaan tillaabooyin lagu wanaajinayo isku dubbaridka tababarrada caalamiga ah si loo fududeeyo in laga caawiyo Soomaaliya si ay u horumariso tababarka ciidamadeeda.
Xubnahaan ayaa sida oo kale ka wada hadlay baahida degdega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV