Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war ka soo saartay dhacdo dagaal oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada madaxtootada Hirshabeelle iyo ciidanka Danab ee dowladda Soomaaliya.
Ciidamada ayaa rasaas isku adeegsaday xilli ay ku sugnaayeen gudaha garoonka diyaaradaha maamulkaas, waxana ka dashay khasaaro kala duwan, inkastoo aanan laga bixib faah faahin rasmi ah.
Maanulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ciidamada Danab ay rasaas ku fureen gaari ilaalada madaxtooyada Jowhar ay ku wadeen guddooniyaha Baarlamaanka maamulkaas.
Halkaan ka Akhriso bayaanka ka soo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya.
HBN NEWS DESK