Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Sabiib & Caanoole oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegtay in ciidamada Militeriga Soomaaliya ay ka hortageen, inkasta oo dagaalka uu sababay khasaare xooggan oo laba dhan soo kala gaaray.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab oo weerarka ku soo qaaaday fariisamaha sabiib iyo Caanoole ay halkaasi kaga carareen sida hadalka loo dhigay maydad tobanaan ah.

“Ciidanka Qaranka ayaa ka hortagay weerarka Alshabaa ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas”

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, iyada oo la soo sheegayo in masuuliyiinta Ciiadamada dowaladda ee dhintay uu ku jiray Taliyihii Guutada 14-ka Octobar oo qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa Awdheegle, Sabiib iyo caanoole. Sidoo kale, waxaa jirtay duqeymo laga maqlayay deegaannadaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed