Dowladda Soomaaliya oo taalo u dhistay askari ku dhintay Xabsiga dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay taalo ay u dhistay Askari ku dhintay xabsiga dhexe, ka dib markii sida la sheegay uu diiday fure ay waydiiyeen koox Xabsige dhexe ee xamar ka fulisay weerar horaantii bishaan.

Dhismaha taalada oo uu amray Taliyaha Ciidamada Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid uu ku muteysay Marxuum Xasan Xuseen Raage sida uu go’aan geesinimada laheyd u qaatay oo bad baadisay nolosha boqolaal ku waxyeeloobi laheyd haddii gacantiisa laga bixi lahaa.

Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaagay in Marxuun Xasan Xuseen in uu naftiisa ku waayay in uu furaha u diiday koox xabsiga dhexe ka dagaalantay oo goordambe la dilay, iyaga oo ku tilmaamay geesinimo in ay ahayd midaasi.

Ciidamada kale ee shaqa wadaagga ahaayeen waxaa Maraxuum Xasan ay ku sifeeyeen in uu ahaa nin geesi ah oo naftiisa u waayey sidii uu u bad baadi lahaa boqolaal maxaabiis iyo ilaalinta sharafta qaranka in sare uu u qaado.

Weerarkii 13-kii Luulyo, 2024 oo ay ku dhinteen 13 ruux ayaa lagu arkay maxaabiis la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ku xukunnaa dil in fursad ay heleen qalqal ku galiyeen xabsiga dhexe, iyaga oo dagaal adag la galay ciidamada ammaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed