Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan culus oo ka dhanka ah dadka hubka wata, iyadoo ugu baaqday dhammaan Shirkadaha, Hay’adaha iyo shaqsiyaadka ku dhex leh Hubka gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho in ay soo diiwaan geliyaan hubkooda. Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo xakameynta hubka faraha badan ee ka socda gobolka.
Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in muddo 15 cisho ah ay ku egtahay diiwaangelinta, taasoo ka bilaabaneysa 1-da November 2023, kuna eg 16-ka November, 2023. Muqdisho.
Tallaabadan ayaa daba socota tallaabooyin hore oo looga gol lahaa in lagu dhimo hubka waa weyn ee gudaha magaalada ku dhex jira, sidoo kalena wax looga qabanayo ciidamada la soo dhoobay si ay u ilaaliyaan madaxda iyo madaxda dowladda. Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in uu waafaqsan yahay go’aanka dowladda ee ku aaddan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida caasimadda.
HBN NEWS DESK