Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray go’aan ay ku mideysan yihiin ururinta iyo maareynta dhammaan dakhliga dowladda.
Awaamiirtan cusub ayaa faraya in dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo Akoonka Khasnadda Guud (TSA), iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu ay tahay hay’adda keliya ee mas’uul ka ah ilaalinta lacagahaas.
Qaraarka ayaa si cad u mamnuucaya u wareejinta ama maamulka dakhliga dowladda xisaab bangi oo ka baxsan TSA. Go’aankani waxa uu salka ku hayaa Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee 2019, kaas oo dhigaya in dhammaan dakhliga federaalka oo ay ku jiraan canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada ay tahay in si gaar ah loogu maareeyo nidaamka TSA.
Golaha Wasiirada ayaa ku nuux nuuxsaday in aan la ogolayn hay’ado kale oo dowli ah, ha ahaadeen rayid ama ciidan, in ay aruuriyaan ama maamulaan dakhliga dowladda, taasi oo xoojineysa doorka gaarka ah ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku leedahay howlahan maaliyadeed.
Sidoo kale, qaraarku wuxuu awood gaar ah siinayaa Wasiirka Maaliyadda inuu dejiyo oo wax ka beddelo tacriifadaha la xidhiidha dakhliga dawladda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in awooddaas aanay u igman hay’ado kale. Wasaaradda ayaa sidoo kale loo xilsaaray inay dib u eegis ku sameyso tacriifadaha hadda jira si loo hubiyo inay la jaan qaadayaan xaaladaha dhaqaale ee dalka.
Iyadoo la raacayo sharciga iibka qaranka ee 2016 iyo xeerka maamulka maaliyadda dowladda ee 2019, Golaha Wasiirada ayaa faray in dhammaan heshiisyada dhaqaale ee jira ay raacaan shuruucdan. Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray inay ka baaraan degto heshiisyada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo lacagaha waqtigeeda lagu bixiyo, loogana fogaado ciqaabta sharciga ah ee ka dhalan karta.
Qaraarkan ayaa waxaa ku jira tillaabooyin loogu talagalay in lagu wanaajiyo hufnaanta iyo dhimista kharashaadka Dekedda Muqdisho. Waxaa xusid mudan in golaha wasiirradu ay ansixiyeen in 50% la dhimo kharashka sahanka badeecadaha ka soo degaya dekedda, tallaabadaas oo la filayo inay hoos u dhigto kharashaadka saadka, korna loogu qaado dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
Go’aankan ayaa tallaabo muhiim ah u ah dadaallada joogtada ah ee ay waddo dowladda Federaalka ee lagu xaqiijinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka maaliyadda guud ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV