Dowladda Soomaaliya oo soo rogtay awaamiir culus ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah loo bilaabi doono dagaal ka Alshabaab

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in si deg deg ah loo bilaabayo howlgallo dalka looga saarayo Alshabaab, isaga oo soo rogay awaamiir adag oo dhanka isku socodka ah.

Taliyaha NISA oo khudbad kooban u jeediyey ciidamada isku dhafka ah ee deegaanka iyo kuwa dowladda deegaanka Aboorey ayaa meesha ka saaray in dhaqdhaqaaqa dadka u socdaala goobaha Alshabaab in labda dhinac dhexdooda ay wado ka dhigtaan sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu faray inay meel ku ekaadaan dadkaasi.

“Dadku waa inuu u qeybsamo nin Alshabaab la jira & nin innaga inala jooga [inala jira] dadka u dhexeeyana waa inay meesha ka boxo” ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Dadka dhex degan deegaan ahaan goobaha Alshabaab ay joogaan ayuu u soo jeediyey inay ka soo guuraan, isaga oo carrabaabay in aan la aqbali doonin qofka dhexda taagan oo labada dhinac dhexdooda ah.

Waxaa uu ku andacooday in aanay “waxba ka jirin” sida uu hadalka u dhigay dadka ku doodaya in deegaanka ay ku soo galaan in “guryo ugu yaalaan” goobaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka joogaan.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed