Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kismaayo Itoobiya ka dejisay hub ayna uga digtay ficilada ay wado

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya faragalin, hub ka soo dejin, ciidamo loo soo daabulo dalka iyo qorshe lagu doonayo in gobolka gedo lagu hoos geeyo maamuladeeda, taasi oo lagu carqaladeynayo sida ay hadalka u dhigtay amniga iyo xasiloonida dalka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeymo culus oo ku xad-gudub dalka ah u jeeediyey Xukuumadda Addis Ababa, isaga oo tilmaaamay in shalay maagalada Kismaayo ay ka dejisay labada diyaaradood oo waday hub sharci darro ah.

Waxaa uu carrababaay in hubkaasi markii ay ka dejiyeen diyaaradaha Ethopian Airline Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle ee magaalada Kismaayo in horay ay uga sii qaadeen shaqsiiyaad uu ka mid yahay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Maxamuud Sayid iyo xubno kale.

Waxaa uu sheegay in dadka halkaasi ay ka qaaday Itoobiya oo loo adeegsaday weedha ah “Daba-dhilif” in ay u kaashaneyso abaabulka ka dhanka ah Soomaaliya, iyada oo ku abaabuleysa gudaha dalkeeda oo qorshuhu yahay dhul balaarsi iyo inay wax yeelo ka geystaan gobolka Gedo.

” Dowladda Soomaaliya lama hari doonto awood kasta oo ay u leedahay difaaca madax banaanideeda ,waan la soconaa xad gudubyada ay Itoobiya ka wado gudaha dalkeenna waana uga digeynaa ficiladaas.” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Waxaa war saxafadeedka loogu digay Itoobiya in ficilada ay wado ka keeni karaan isku dhac iyo colaado, kuwaa oo halis ku ah Soomaaliya, halka dadka la socda la faray in sharciga la hor keeni doono haddii aanay ka waantoobin falalka ay ku guda jiraan.

Todobadkii hore magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa gaaray Ciidamo aad u badan oo ka soo gudbay xadka Itoobiya, kuwaa oo aan fariisimo ka sameystay magaalada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed