Dowladda soomaaliya oo sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan Al shabaab isla markaana ay burbuiryeen saldhig weyn iyo warbaahintii kooxda

Howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu guuleystay in la fuliyo weerar lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab. Dadaalka la isku duba riday ayaa ujeedkiisu ahaa in la burburiyo xarumaha muhiimka ah ee kooxda xagjirka ah.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa guulo la taaban karo ka gaaray in laga takhaluso xubnaha Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo afjaray 20 ka tirsan maleeshiyaatka dowladda.

“Howlgalku wuxuu sidoo kale burburiyay idaacaddii kooxdan iyo saldhig ay ku diyaariyeen walxaha qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday saameynta ay ku leedahay awoodda howlgallada ee kooxda.

War saxaafadeed kooban oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu yiri “Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibo caalami ah ayaa Al-Shabaab ku dilay howlgal lagu burburiyay xarumaha Khawaarijta ee degmada Galhareeri”.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgallo qorsheysan la beegsanayay hoggaamiyaal iyo xubno sare oo ka tirsanaa Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed