Dowladda Soomaaliya oo saaka cagta marisay Xaafadda Dab damiska ee Muqdisho

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa ciidamo ka tirsan kuwa DFS waxa ay howlgalo ka bilaabeen xaafadda Dab damiska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida ay muujinayeen muuqaalo laga soo duubay dad deegaanka oo guryahooda burbur xooggan la gaarsiiyey.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id Muqdisho warbaahinta ugu qabtay ayaa sheegay in dhulkan u baahanyihiin ciidamada booliska soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in dadka laga rarayo xaafadda dab damiska ay caawinayaan ciidamada dowladda ee halkaa ka wada howsha dhameystirka howlgalkan.

Dad degan xaafadda la burburiyey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciiidamada loo soo diray ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeen, halka Goobjoogayaal ay ku waramayaan in ciidamadu ay si aad ah u adeegsanayaan daadiidka wax burburiya.

Qaabka kediska ah ee howlgalka ayaa waxaa dhaleeceeyay dadka deegaanka, qaar badan ayaa ka dhawaajiyay niyad jabkooda iyo cabsidoodana in aad ay u xooggan tahay maadama aysan aqoon meel ay u guuraan oo halkaan u dhaanta, iyaga oo diiday in ay baneeyaan guryahooda, inkasta oo awaamiirta dowladda ay soo saartay fulinteeda uu socdo.

Dadka deegaanka oo murugeysan ahna xaasaskii askarta dowladda ee dagaaladda ku geeriyooday. Hooyo Raxmo oo dareenkeeda ka hadashay ayaa tiri “Anniga saaka waa ciishoonahay waana dhibanahay haddan ahay Dumar, waxaa la iigu imaadey Buushkeygii meeshaan jiifey,Madaxweyne in aan kuusoo duceeyo adna aad gogosheyda bannaanka dhigto ma xaqbaa”.

“Ma jirto meel aan geeyo wax kasta oo gurigayga yaal. ma garanayo meel la aado. Habeenkii ayay guryaheenna soo galeen. Waxaan habaarayaa kuwa na barakicinaya,” ayey tiri.

Xaafadda dab damiska ee degmada Wadajir dadka ag dhow ayaa sheegaya in Hawlgalkan sababay khalkhal xooggan iyo hubanti la’aan soo wajahday qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo hadda wajahaya caqabad ah in ay helaan hoy cusub.

DFS ayaa horay dhowr jeer waraaqo ay soo saartay ku sheegtay in dhulkan ay baahan tahay, waxaana carabka ku dhufay in xaruntaan looga baahanyahay dheeli tirnaanta booliska ee howlaha uu u hayo bulshada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed