Dowladda Soomaaliya oo ku xanibtay Muqdisho Diyaaradda Kenya Airways oo lagu eedeeyey ku xad gudub qaran

Hay’adda Duulista Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka duusho diyaaradda Kenya Airways, sababo la xiriira in ay sharraxaad ka bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ka badan 24 saac iyaga oo aan wax xaquuq ah helin lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi.

Ka dib markii ay Kenya Airways baajisay duulimaadkeedii maalin ka hor ee Muqdisho imaan lahaa , waxaana duulimaadkaa uu soo qaadi lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, sida oo kale aan helin xaquuqda ah inan la dejin hotel, ama dal ku gal loo oggolaan, taasi oo dhalisay in saacado badan ay ku sugnaadaan garoonka , si baalmarsan shuruucda duulimaadka.

Wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay, waxa ay ku kacday shirkadda diyaaradaha kenya, isaga oo carrabka ku dhuftay in xaquuq ay siisay dadka wadamada kale ee Soomaalida ku duulimadka ahaa.

”waxaan aad uga xumaaday sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo badankooda yihiin shaqaale dawladeed loogu bahdilayo Airport-ka Nairobi Kenya, waxay meelo kala duwan ka soo raaceen Kenya Airways, halkii ay hore ugu sii qaadi lahayd Mogadishu Somalia, sida ay ii sheegeen waxay Kenya Airways Cancell-gareysay ilaa sadex flight, dadkii wadamada kale banaanka ayey u bixisay oo Hotels ayey dejisay, Soomaalidii waa loo diiday in ay banaanka u baxaan oo meesha ayey ku xidhan yihiin ilaa 3 habeen, waxaa ku jirta caruur” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah oo ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyada oo ay hadda Kenya Airways wajahayso inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed