Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shixnado gargaar ah u dirtay deegaanka Buulo-Xaaji oo dhawaan laga saaray kooxda Al shabaab markii ugu horreysay. Gargaarkan oo isugu jira dawooyin, cooshado, dharka kaneecadaiyo agabyo kale oo muhiim ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu taageero dib u dajinta iyo daryeelka dadka deegaanka ee dib ugu soo laabanaya guryahoodii ka dib markii ay ka barakiciyeen dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya gargaar ay gaarsiisay Buula-Xaaji iyo tuulooyinka ku dhow dhow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa jawaab u ah ballan qaad ay sameeyeen wasiiro ka tirsan dowladda oo tagay halkaas maalmi ka hor. Degaanadan ayaa dhawaan laga saaray Maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo u sahashay dadkii ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii ayna dib u dhistaan noloshooda.
Gaarsiinta teendhooyinka, maryaha-kaneecada & agabyada kale ayaa la filayaa inay si degdeg ah gargaarka loo siiyo qoysaska ku nool meelaha ku meel gaarka ah ama bannaannada hore. Arrintaan ayaa lagu macneyay hortagga faafitaanka duumada iyo cudurrada kale ee kaneecada kaga qaado, halkaasoo kaabayaasha daryeelka caafimaadka ay si ba’an u saameeyeen sannado colaado ah.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo madaxda bulshada ayaa soo dhaweeyay gargaarkan, iyagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay u leedahay xasilloonida iyo soo kabashada gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sii wado taageerada saaxiibada qaranka iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nabadda mustaqbalka fog ee deegaanka.
Iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda A l sahbaab, bixinta gargaarka bini’aadantinimo iyo adeegyada muhiimka ah ayaa weli ah mudnaan gaar ah si loo taageero dadka ay dhibaatadu saameysey iyo kor u qaadista soo kabashada iyo horumarinta meelaha ay dhibaatadu saameysey ee la xoreeyay.
HBN NEWS DESK