Dowladda Soomaaliya oo jawaab deeg deg ah ka bixiisay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’isalwasaaraha Itoobiya

Wasaarada Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga jawaabtay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ku aadanaa in ay doonayeen in sababaha ku riixay is afgaradkii uu la galay Madaxweynaha Somaliland uu keenay ka dib markii Dawlada Soomaaliya ay didiay inay ka wadahadaldaan adeegsiga Badda.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) ayaa fariin uu ku qoray barta Internet-ka X ee loo yaqiin Twitter wuxuu ku sheegay in raadinta Itoobiya ay raadinayso bad ay adeegsato ay tahay in muhiimada lagu siiyo wadahadal diblumaasiyadeed oo qaanuunka ku saleysan.

“Majaxaabinta dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka argaggxisada iyo midnimadeeda dhuleed ma ahan habka lagu gaari karo iskaashi goboleed iyo xasilooni taasi oo muhiim ah dalalka” ayuu yiri Cali Balcad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed