Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya u dirtay wafdi sii amba qaada heshiiska Ankara

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyaga oo halkaasi uga qeyb galaya kulamo lagu sii ambaqaadayo heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal.

U jeedka socdaalka wafdigan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku carrabowday xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraamka iyo wada-shaqeyn ee dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dal kasta” ayaa lagu warka ka soo baxay Wasaaradda arimaha Dibedda.

Xiriirka labada dal oo gabi ka laalaaday 11-kii bil ee la soo dhaafay ayaa heshiis lagu soo nooleynayo cilaaqaadkooda waxaa ay ku gaareen magaalada Ankara, ka dib markii uu Turkigu fudeedeey wadahadalo ay yeesheen Soomaaliya iyo Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed