Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay isku dayeyso inay Soomaaliya ka horkeento dalalka dariska ah, iyada oo ka faa’iideysanaya xiisadda haatan taagan ee kasii dareysa. Fiqi ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay fasiraad qaldan ka bixineyso Somalia.
Wasiir Axmed Macallin ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay “si firfircoon uga shaqeyneyso sidii ay u xagal daaci lahayd taageerada gobolka” ee Soomaaliya, iyada oo abuureysa fikrado xunxun iyo faragelin ay ku heyso arrimaheeda gudaha ee dalka.
Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay dadaallada ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku wiiqdo xiriirka Soomaaliya ee caalamka iyo iska hor keenida saaxiibadeeda dunida
Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in Itoobiya ay la xidhiidho dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, isla markaana ay isku dayday inay ka dhaadhiciso in Soomaaliya ay ka biyo diidsan tahay wada-hadallada muranka dhaliyey ee heshiiska badda ee ay Somaliland kula gashay horaantii sanadkan.
“Itoobiya waxay doonaysaa in Soomaaliya loo arko mid gardaran,” ayuu yidhi Fiqi. Waxa uu soo jeediyay in istaraatiijiyadan looga gol leeyahay in Soomaaliya la go’doomiyo, isla markaana la dhimo taageeradeeda caalamiga ah, iyada oo laga digtoonaado dalalka kale inay la saftaan xukuumadda Adis Ababa.
Sidoo kale, Fiqi ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay faragelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin inay ciidamo ku tababarto xuduudaha Soomaaliya iyo inay saameyn ku leedahay dowlad goboleedyada.
Wuxuu ku nuux-nuux saday in ficillada Itoobiya ay horseedeen in Soomaaliya ay si aan aan wanaagsaneyn u sawiranto, taasoo saameyn ku yeelatay xiriirkeeda diblomaasiyadeed.
HBN ONLINE TV