Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 30 xubin oo ka tirsan Al shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen ururka Al shabaab, waxana ka dashay dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gacanta lagu dhigay gaari wadday qaraxyo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30 xubin oo ka mid ah Al shabaab, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga C/llaahi Cali Caanood oo saxaafadda la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladaasi oo ahay mid guulo ka soo hooyeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

General Caanood ayaa sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah dhibaato ka waday gobolka , sida uu ka sheegay warbaahinta. Howlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Afgobaad ee Ceel-Bacaad, halkaasi oo uu ka dhacay iska hor imaad hubeysan  oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee howlgalka lagu gaaray ay mid yihiin in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu soo qabtay, sidoo kale waxaa la burburiyay fariisimo  dagaalyahannadu ay kula haayeen  deegaanka.

Howgalkan ugu dambeeyay ayaa wasaaradda gaashaandhigga iyo xulafadeeda waxa ay sheegeen in horumarro la taaban karo ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed