Dowladda Soomaaliya oo digtay roobab iyo fataahado ku soo wajahan dalka xilii Ra’uusal wasaara Xamse oo diray digniin culus

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa soo saaraysa talo bixin rasmi ah oo ku saabsan khatarta  fatahaadaha ku soo wajahan  Koonfurta Soomaaliya, xilli roobaadka sanadlaha ah uu fooda nagu soo hayo bishaan Oktoobar.

Roobabka xilliyeedka oo la filayo in ay si buuxda u bilowdaan bishan  in ay saameyn gaar ah ku yeeshaan gobollada ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle oo ay ka mid yihiin Beledweyne, Afgooye, Jowhar, Baardheere, Luuq, Doolow, Kismaayo, Beled Xaawo, Jalalaqsi, iyo Degmada Balcad.

Xogtii u dambaysay ee ay Wasaaraddu heshay todobaadkii ugu dambeeyay ee bisha October ayaa sheegaya in dhulka sare ee dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya uu diyaar u yahay in uu ka da’o roobab mahiigaan ah oo lagu qiyaasay 150mm ilaa 200mm.

Roobabkan mahiigaanka ah ayaa keenaya suurtagalnimada fatahaado xooggan, kuwaas oo khatar weyn ku ah nolosha beeralayda iyo xoolaha ku nool deegaannadan nugul ee webiyada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan dhibaatadan kusoo fool leh iyo khatarta fatahaada. Sidaa darteed, Wasaaraddu waxay soo saaraysaa awaamiir deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo xoogga la saarayo dadka ku nool gobollada webiyada, inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ay qaadaan tallaabooyin aan caadi ahayn oo ay naftooda iyo bulshadooda uga ilaalinayaan khatarta fatahaadda xilli roobaadka.

Dhanka kale  Ra’uusal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa ka hadlay khatarta ka dhalan karta deegaannada ku teedsan Wabiyada in yeeshaan foojignaan dheeraad ah, oo aysan ku kadsoomin waxyleeda ka dhalan kara roobabka iyo fatahaada culus.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed